duul
(m.l)

(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.

duul
(m.l) (-lal, m.l)

1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.

duul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-uulay, -uushay)

1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid.

duul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-uulay, -uushay)

Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duul

abbaanduul [m.l]
Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld ammaanduul.

abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.

afdheere [m.l]
Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.

amiiba [m.dh] (-booyin, m.l)
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.

ammaanduul [m.l] (-llo, m.dh)
ld abbaanduul.

ammaanduule [m.l]
ld abbaanduule.

askaaris [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-syo, m.dh)
(baay.) Abla-ablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.

ayaamo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

ayeeyolugdheer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(c.nafl.) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld ayeeyolugadheer.

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg