duulduul
(m.l)

1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. ld duulduulid.

duulduul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-uulay, -uushay)

Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duulduul

dambaaburo [m.dh]
Dhimbilo yaryar oo dabka ka duulduula.

duulduulid [m.f.dh]
eeg duulduul². ld duulduul¹ (2).

hawtulhamag [m.l]
1. Cayayaan duulduula, habeenkii dabka ifkiisa soo raaca oo ku gubta. 2. Qof aan kala aqoon wax u roon iyo waxa u daran. 3. H. ah: meel aad mugdi u ah ama aad gudcur u ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg