duulin
(m.f.dh)

eeg duuli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duulin

afdheere [m.l]
Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.

buubi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.

cirbaxeen [m.l] (-nno m.dh)
Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. ld cirbixiyeen.

digaag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. ld diyaad, diyaaj.

digiiran [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. ld digirin.

faduulin [m.f.dh]
eeg faduuli². ld faduulis.

goroyo [m.dh]
Haadda dunida ku nool midda ugu weyn, aan duulin, sur dheer oo aan dhogor lahayn, baalal qurxoon leh oo hilibkeeda la cuno.

jaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Gogol iwm boor ka duulin. 2. Geed si qolofta looga goosto garaacid. 3. Geed garaacid ama ruxid si mirihiisi ay u soo daataan.

jafjaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Qolof, jilif iwm geed ka ridid. 2. Gogol iwm boor ka duulin.

duul [m.l]
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.

duul [m.l] (-lal, m.l)
1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.

duul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uulay, -uushay)
1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid.

duul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uulay, -uushay)
Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg