duullaan
(m.l)

1. ld duullan, duullimaad. Aadidda col dagaal aado. 2. D. ah: col in ay dagaal qaadaan u socda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duullaan

abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.

duullan [m.l]
ld duullaan (1).

duullimaad [m.l]
ld duullaan (1).

shaqal [m.l] (-llo, m.dh)
(nax.) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tus. “a, e, i, o, u, aa, ee iwm”. Sh. culus: shaqallada soomaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid).

wareego [m.dh]
Xoolaha nool ee colka duullaanka ahi sahay ahaan u wato.

weerar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid duullaan ku qaadid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg