duunyo
(m.dh)

1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duunyo

yaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.

yaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dad, duunyo ama qalab kala firdhin.

yaacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.

haantaawilif [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Cido, ama dad iyo duunyo dhibaato darteed kala lumid.

oomasoore [m.l]
Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.

adduunyo [m.dh]
ld adduun.

gabaaddiir [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. Meel dhibaato saameysay oo aan dad iyo duunyo ku noolayn. 2. Dhibaato weyn. ld gabaahiir, gaabahiiro.

guri-kuhar [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-ryo, m.dh)
Dad iyo duunyo inta jilicsan oo aan ka fogaan karin guriga hareerahiisa.

manqo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad iyo duunyo inta tabarta daran; maato.

duun [m.l]
D.kayga, d.kaaga iwm: laftayda, laftaada iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg