duwanaan
(m.f.dh)

eeg duwan. ld duwa- naansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duwanaan

dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).

durdur-kulul [m.l] (-rro ..., m.dh)
(jool.) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.

duwanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg duwanow. ld duwanaan.

farqi [m.l]
Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. ld faraq.

hiddo-barasho [m.dh]
(baay.) Laan ka mid ah cilmiga bayoolojiga oo ku shuqul leh barashada hiddaha iyo kala duwanaanshaha.

neecow badeed [m.dh]
(fiis.) Sarraynta/hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg