dux
(m.dh)

Dufan, dheef, shux.

dux
(m.l) (-yo, m.dh)

(baay.) Koox iskudhis oorgaanika ah oo laga helo noolayasha kuwaas oo aan ku milmin biyaha haseyeeshee ku milma milayaasha oorgaanikada sida koloorofoom, baasiin iwm.

dux
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Laf iwm dufan dibadda u soo saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dux

xalladee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
Hadal dux iyo xiiso u yeelid.

balaasma [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

caato [m.dh]
1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.

dheefsamayn [m.dh]
(baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.

dheefsasho [m.dh]
1. (baay.) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baay.) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha.

dixi [m.dh]
(bot.) Cawska xooluhu daaqaan kuwa ugu nafaqa badan mid ka mid ah, jilicsan oo meelaha biyo-qabatinka leh ka baxa. ld duxi¹.

dux-foosfeyt [m.l] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Dux ay ku jirto koox foosfeyt oo qayb muhiim ka ah molikiyuulka. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey gilisarool ku dhegsan laba asiidh duxeed, koox foosfeyt iyo beys naytaroojiin. D.f.ku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin xuubabka unuggu.

d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg