edeg
(m.l) (-gyo, m.dh)

1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon.

edeg
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Maqal xoolaad xero yar gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh edeg

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

edegshoomo [m.l]
Edeg dagiiranka lagu ugaarsado.

edgid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg edeg². edeg

qaar [m.l] (-rar, m.l)
1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

ulaysi-dagiiran [m.l]
Waddo halka ay ka billaabanaysa u ballaaran, halka ay ku dhammaanaysana u ciriiryoon oo dagiiranka lagu soo qumiyo si ay ugu ururaan edegga. Mur-dagiiran.

ciddikudhufaan [m.l]
ld edegkudhufaan.

qalwo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. ld qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. ld khilaawo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg