eegi
(m.dh) (-iyaal, m.l)

Meel sarreysa oo si fiican hareeraha looga arki karo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eegi

eegid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eeg². eeg

gaafwareegid [m.dh]
eeg gaafwareeg². ld gaafmeerid. gaafwareeg, gaafmeerid

naallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.

adeegid [m.dh]
eeg adeeg².

bacleel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Si gudub ah wax u eegid.

bal [Erey Dareen | Exclamation]
1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tus. “B. inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b. inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida “B. hoo”, “B. ina keen”.

barbardhig [Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1] (-gay, -gtay)
Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iwm isu eegid. ld isbarbardhig².

beegid [m.f.dh]
eeg beeg². ld beeg¹ (2).

beensheegid [m.dh]
Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. ld beensheeg (2).

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e.

ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg