engeji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax qoyaan ka qalajin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh engeji

qaaqami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.

dhis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.

dhisan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
1. Aqal, dugsi iwm wax la sameeyey noqosho. Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay noqosho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho. 5. Wax jira oo tiirar adag leh noqosho.

dhisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Aqal, dugsi iwm wax ka sameeyey ahaansho. 2. Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho. 5. Qof wax la qurxiyay ahaansho. 6. Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho.

engejin [m.f.dh]
eeg engeji. ld engejis.

engejis [m.l]
ld engejin.

kawrixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si tartiib ah u engejin.

qallaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax qoyan engejin.

qunde [m.l]
1. Hilib weyd ah oo la engejiyey. 2. ld qudde.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg