ergey
(m.l) (-go, m.dh)

1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tus. “Saalax waa ergeyga soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.

kadhergey*

Macnaha halkan ku qor ka giigay


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ergey

ergeyn [m.f.dh]
eeg ergee.

ergeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax la oggoladay ahaansho (farriin, arrin iwm). 2. Wax ergo loo dhiibto ahaansho (farriin, arrin iwm).

ergeysasho [m.f.dh]
eeg ergeyso.

ergeysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax ergo ahaan cid u siin.

ergeysiin [m.f.dh]
eeg ergeysii.

ergeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ergey dirasho.

ergisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la ergey ahaansho.

ergo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. eeg ergey. 2. Dhambaal nabad lagu doonayo.

xergeyn [m.f.dh]
eeg xergee. ld xerrin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg