faasid
(m.l) (-diin, m.dh)

Qof sameeya waxyaalaha foosha xun ee diintu reebtay.

faasid
(m.f.dh)

eeg faas². ld faashid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faasid

cunto-sumow [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.

faashid [m.dh]
ld faasid².

fajaas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Qalab bir ah oo af leh wax ku faasid. ld fujaas².

toobin [m.l]
(daaw.) Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo.

faas [m.l] (-sas, m.l)
Qalab bir ah oo godinta u eg oo loo isticmaalo geeda gooynta. ld faash¹.

faas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Faas wax ku goyn. ld faash².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg