fac
(m.l) (-cac, m.l)

1. Da'. 2. F. ah: dad isku da' ah oo isku waqti nool, jiil. 3. ld faacad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fac

daafac [m.l]
ld daaficid. daaficid

daafac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -fici)
Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac². difaac

daafacaad [m.dh]
Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.

laag [m.l]
1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah.

afacaayil [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg ficil.

anfac [m.l]
1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto. 3. ld anficid.

anfac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -fici)
Cid faa'iido u yeelasho (wax).

anfaco [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg anfac (2).

asaag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dadka inta isku da'da ah ama isku darajada ah; fac.

dafac [m.l]
Cudur halis ah, sangoror leh oo fardaha ku dhaca. ld darfac, dirfac.

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg