fadal
(m.l) (-llo, m.dh)

Raad noole oo dhulka qoday ama diisay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fadal

dabafadal [m.dh]
Ciyaar jiib iyo jaan leh, ragga iyo haweenka wada ciyaaraan oo laga dheelo degmada Eyl.

fadallayn [m.f.dh]
eeg fadallee.

fadallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Fadal samayn. ld fadli².

fadli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
ld fadallee.

fadlin [m.dh]
ld fadallayn.

fagal [m.l]
ld fadal.

faglayn [m.dh]
ld fadallayn.

faglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
ld fadallee.

fad [m.l] (-dad, m.l)
1. Daruur yar. 2. Wax yar oo meel ka soo go'ay. 3. ld fas.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg