fadhi
(m.l) (-iyo, m.dh)1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.
fadhi
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fadhi ↴
aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka
laga qoro”.
qaabbilo [m.dh]
Maalinta uu dirirku la fadhiyo
dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay
maalin cawo leh.
xaafood [m.l]
Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.
gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
gaafal [m.l] (-llo, m.dh)
Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.
kaadidhiig [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.
kaalbaa [m.l]
Caano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.
qaayimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qiimaha iyo kharashka uu ku fadhiyo wax iib u yaal. 2. Liis muujinaaya qiimaha badeeco la gadaayo.
xagalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.
yadan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-mo/-nno, m.dh)
Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
fad [m.l] (-dad, m.l)
1. Daruur yar. 2. Wax yar oo meel ka soo go'ay. 3. ld fas.