fadhiisasho
(m.f.dh)

ld fariisasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fadhiisasho

barraahso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
In muddo ah si caajisnimo ku jirto oo macno la'aan ah meel u fadhiisasho. ld barraaqso.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

candhaaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Si candhaaq ah u fadhiisasho.

fariisasho [m.f.dh]
eeg fariiso. ld fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.

kadalloobso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Si kadalloob ah u fadhiisasho.

naso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Hawl muddo gaaban ka fadhiisasho si daalkeedu u ba'o.

qotonso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Weel, qori iwm meel si joog ah u joojin. 2. (f.mg) Meel fadhiisasho ama istaagid (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg