fadhiisi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld fariisi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fadhiisi

yadan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-mo/-nno, m.dh)
Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.

dharab-barafeed [m.l]
(fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.

dhasheeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.

fadhiisin [m.dh]
ld fariisin¹.

fadhiisin [m.l]
ld fariisin².

fariisi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax salka dhul u dhigid. 2. Cid fadhi ku soo dhaweyn. 3. Ka f.: cid shaqo ka joojin. 4. Caano iwm garoorin. ld fadhiisi.

fariisin [m.f.dh]
eeg fariisi. ld fadhiisin¹.

fariisin [m.l]
1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².

koloriin [m.dh] (-nno, m.dh)
(kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg