fadhiyid
(m.dh)

eeg fadhi². ld fadhi¹, fadhin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fadhiyid

yuurur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.

barraaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
In muddo ah si macna la'aan meel u fadhiyid (qof).

candhaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof).

cuskug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Meel, hawl la'aan fadhiyid.

dulfadhiyid [m.f.dh]
eeg dulfadhi. ld dulfadhin.

fadhi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.

fadhin [m.dh]
ld fadhiyid.

kadalloob [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Fadhi aan salka dhulka lagu hayn fadhiyid.

kamandhuur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Si foolxun u fadhiyid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg