fadqalal
(m.dh) (-llo, m.dh)

Ficil rabsho badan iyo buuq iwm oo si wadajir ah, ay sameeyaan dad badan gaar ahaana meel fagaara ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fadqalal

anaakici [m.dh]
Koox ciidan ah oo si gaar ah u tababbaran oo cadow lala dagaallamayo dhulkiisa loo diro si uu u fadqalalleeyo.

fadqalallayn [m.f.dh]
eeg fadqalallee.

fadqalallee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Fadqalallo samayn.

fadqalallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qasidda meel xasilloonideeda iyo nabaddeeda la qaso; arbushid; rabsho.

goobdumis [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg