faduul
(m.dh)

Maag, daandaansi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faduul

adyad [m.dh]
Cay iyo aflagaaddo cid aan mutaysan lagu yiraahdo; aabi; faduul.

daandaanso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-sady, -satay)
Si bareer ah qof u maagid; faduulin.

dhuusaquraar [m.l]
Qof da'yar, fudud oo faduul badan.

faduuli [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: qof wax aan loo dirsan ama aan raalli looga ahayn ama aan daniba ugu jirin, iska dhexgala; aabi iyo faduul badan.

faduuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid faduul ku samayn.

faduulin [m.f.dh]
eeg faduuli². ld faduulis.

faduulis [m.l]
ld faduulin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg