fag
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

F. dheh: orod.

fag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Dhul si aan dheereyn u qodid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fag

afaggaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Toddobada xiddigood oo roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa nuguushicad iyo naafcadde.

bambax [m.l]
1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid. ld bannaambax¹.

bandhig [m.l]
1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.

bandhig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Alaab ganacsi ama faneed iwm meel fagaar ah dadweynaha ugu dhigid.

fadqalal [m.dh] (-llo, m.dh)
Ficil rabsho badan iyo buuq iwm oo si wadajir ah, ay sameeyaan dad badan gaar ahaana meel fagaara ah.

fagaag [m.l]
Meel bannaan oo degaan ama aqal hortiis ah.

fagaaragee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Wax meel fagaare ah ku soo bandhigid.

fagaarageyn [m.f.dh]
eeg fagaaragee.

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg