fagaare
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)

Meel dad badani isugu soo baxay oo ciyaar iwm lagu hayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fagaare

bambax [m.l]
1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid. ld bannaambax¹.

bandhig [m.l]
1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.

fagaaragee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Wax meel fagaare ah ku soo bandhigid.

fagaarayn [m.f.dh]
eeg fagaaree.

fagaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
U f.: fagaare u samayn.

jeedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.

muxaadarad [m.dh] (-do, m.l)
Khudbad cilmiyeed oo meel fagaare ah laga jeediyo. ld muxaadaro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg