fakad
(m.l)

1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. ld fakasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fakad

baxsad [m.l]
1. B. ah: qof meel lagu ogaa si sharcidarro ah uga fakaday meeshi lagu ogaa. 2. B. ah: neef xoolo ah oo ka fakaday meeshi lagu ogaa. 3. ld baxsasho.

fakasho [m.f.dh]
eeg fako. ld fakad, fikad, fikasho.

fallaago [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg