fale
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

Walax kimikeed oo isbeddel keena.

fale
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

(nax.) Yeelaha weerta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fale

yeele [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.

ammin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.

cimri-badh-kaahfaleed [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Amminta ay ku qaadato in badhka bu'da kaahfal ku mataataxdo (N = 1/2 No); mataatax.

falaxfalax [m.l]
1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.

faleebbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.

faleen [m.l]
Dhirta dhasha beeyada.

garbaggoroyo [m.dh]
Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. ld garabgoroy.

geedamaal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. ld geedmaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg