faleen
(m.l)

Dhirta dhasha beeyada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faleen

falaxfalax [m.l]
1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.

garbaggoroyo [m.dh]
Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. ld garabgoroy.

geedamaal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. ld geedmaa.

jawrfaleen [m.l] (-nno, m.dh)
Qof caado ka dhigtay in uu caddaalad darro sameeyo. ld jowrfaleen.

jowrfaleen [m.l]
ld jawrfaleen.

mayddi [m.dh]
Nooc ka mid ah faleenka oo ah geedka ugu heer sarreeya.

fale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Walax kimikeed oo isbeddel keena.

fale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Yeelaha weerta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg