falsafad
(m.dh)

ld falsafo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falsafad

maaddiyad [m.dh]
(fals.) Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.

idiyaalismo [m.dh]
Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.

maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.

falsafada xaqiiqaraadiska [m.dh]
(fals.) Falsafad ku salaysan helitaanka xaqiiqada oo ka baxsan mala awaalka.

falsafo [m.dh] (-fado, m.l)
1. Barashada xaqiiqda jiritaanka koonka iyo xeerarkiisa. 2. Wax jira figradda laga qabo. ld falsafad.

faylasuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
Nin cilmiga falsafada yaqaan.

mandaq [m.l]
(fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.

metafisikis [m.l]
(fals.) Qeyb ka mid ah barashada falsafadda ee la xiriirta aragtiya wixii jira, iyo sidii aan ku aqoon lahayn in uu jiro.

midabtakoor [m.l]
1. (fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta intà gun iyo gob ka kala dhigta. 2. (siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg