fooltub
(m.l)

Yuur ka muuqata qof wejigiisa marka uu xanaaqo. ld fooltubid.

fooltub
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

Weji yuur ka muujin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fooltub

dud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tus. “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iwm u baacin.

dudmo [m.dh]
Caro lagu muujiyo fooltub iyo aftuur.

fooltubid [m.f.dh]
eeg fooltub². ld fooltub¹.

foolt [m.l]
(fiis.) Summad V. Halbeegga caalamiga ee keyd faraqa ama xoogga danab wadidda (x.d.w.), waxaana loo qeexaa keyd faraqa u dhexeeya laba barood oo ku yaalla gudbiye sida qulqul danab oo le'eg hal ambiyeer, marka awoodda ku baxday laba barood inta u dhexeysa ay tahay hal waat. Waxa loogu magac daray aqoonyahankii Alisaandaroo Foolt.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg