foolwaa
(m.l)

(xis.) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh foolwaa

xaddi-foolwaa [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.

iskudhufasho-foolwaa [m.dh]
(xis.) Iskudhu-fashada leeb iyo xaddi foolwaa ah, taas oo yaraysa ama fidisa dhererka leeb.

iskudhufasho-leeb [m.dh]
(xis.) Iskudhufa-shada laba ama dhowr leeb. Taas oo loo qeexi karo laba siyaabood iyada oo loo eegayo in jawaabtu tahay leeb ama foolwaa midkood.

keynaan [m.l]
Summad : V. Dhakhsaha bara-baxa walax. Keynaan waa xawaare ji-heysan. Keynaan waa xaddi leeb, xawaa-ruhuna waa xaddi foolwaa.

taran-foolwaa [m.l]
(xis.) Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay tahay xagasha u dhexeysa labada leeb.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg