foolxumo
(m.dh)

ld foolxumaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh foolxumo

jaa'ifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.

jaa'ifo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.

foolxumaan [m.f.dh]
eeg foolxun. ld foolxumaansho, foolxumi, foolxumo.

foolxumaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg foolxumow. ld foolxumaan.

foolxumow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maaday, -maatay)
Wax foolxun noqosho.

guho [m.dh]
1. Foolxumo. 2. Laabad; goolad.

isir-u-dhaleen [m.l]
Ka dhaxlidda wax sida foolxumo, qurux, geesinnimo iwm laga dhaxlo awoowyaashi hore.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg