foori
(m.dh)

Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.

foori
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-ryay, -iday/isay; -ryi)

Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh foori

balwo [m.dh]
1. Heeso hore oo lagu tumi jirey kaban, daf iyo foori. ld balwad (2), belwo.

firimbi [m.l] (-iyo, m.dh)
Aalad yar oo bir ama caag ah oo leh laba dalool oo marka la afuufo sii daysa foori dheer. ld firinbi.

foorid [m.f.dh]
eeg foor. ld fooris.

fooridhiileyn [m.f.dh]
eeg fooridhiillee.

fooridhiille [m.dh]
Foori si degdeg ah geela loogu kiciyo.

fooridhiillee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Si degdeg ah geel foori ugu kicin.

fooriggaalle [m.l]
1. Foori gaar ah oo geela lagu dheelmo. 2. Foori qofka faraxsani ku maararoobo.

fooriggaallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Foori gaalle samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg