foos
(m.l) (-sas m.l)

1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh foos

maafoos [m.l] (-syo, m.dh)
Nooc ka kd mid ah libaax badeedka halista ah. ld maanfoos.

maanfoos [m.l]
ld maafoos.

ATP [m.dh]
(kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.

barashada foosillada [m.dh]
(taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.

dux-foosfeyt [m.l] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Dux ay ku jirto koox foosfeyt oo qayb muhiim ka ah molikiyuulka. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey gilisarool ku dhegsan laba asiidh duxeed, koox foosfeyt iyo beys naytaroojiin. D.f.ku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin xuubabka unuggu.

faasid [m.l] (-diin, m.dh)
Qof sameeya waxyaalaha foosha xun ee diintu reebtay.

foosil [m.l] (-lo, m.dh)
(jool.) Hadhaaga ama raadadka ka sii muuqda raqda noole hore u jiri jirey.

foosto [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld fuusto.

fuusto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. ld foosto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg