foosil
(m.l) (-lo, m.dh)

(jool.) Hadhaaga ama raadadka ka sii muuqda raqda noole hore u jiri jirey.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh foosil

barashada foosillada [m.dh]
(taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.

kaarboon [m.l]
(kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.

foos [m.l] (-sas m.l)
1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg