footoosintasis
(m.l)

(baay.) Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh footoosintasis

baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

cagaariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.

gulukows [m.dh]
(kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydh-yada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.

kaarboon laba-ogsaydh [m.l]
(kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03% mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

meertada Kaalfin [m.dh]
(baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg