fudayd
(m.l)

1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. ld fududaan. Firfircooni.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fudayd

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar

caaddifi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fiin, m.dh)
1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.

carafudayd [m.l]
ld carafududaan.

duulduul [m.l]
1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. ld duulduulid.

fahmaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax farxad, fudayd iyo firfircooni dareensan ahaansho.

fudaydi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld fududee.

fudaydin [m.dh]
ld fududayn.

fudaydsad [m.l]
ld fududaysasho.

fudaydsasho [m.dh]
ld fududaysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg