fududee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)

1. Wax fudayd ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid. ld fudaydi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fududee

candhuuf [m.dh]
Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. ld candhuufo.

fudaydi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld fududee.

fududayn [m.f.dh]
eeg fududee. ld fudaydin.

gaastarig-cariye [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(c.nafl.)Hormoon laga sameeyo qaybta xiidmaha ugu xigta ee caloosha. Soo deyntiisa waxaa fududeeya cunnada caloosha soo gasha; dhiigga ayuu raaca wuxuu fududeeya soo deynta dheecaanka caloosha.

sardhaban [m.l]
S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.

waraab [m.l]
Ku filqinta biyaha dhulka dushiisa si aan dabiici ahayn, si loo fududeeyo ku beerista dalagga meel haddii aan la waraabin bixiddiisu aysan suurtagal ahaan lahayn, roobka oo ku yar awgeed.

fudud [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-daa, -dayd)
1. Wax aan cuslayn ahaansho. 2. Wax sahlan ahaansho. 3. Wax fadaq ah ahaansho. 4. Wax firfircoon ahaansho. ld fudfudud.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg