fuf
(m.l)Dhir la jaray ama la daaqay fiidda ka soo baxda iyadoo aan roob ku di'in.
fuf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)Dhir la jaray ama la daaqay iyadoo aan roob ku di'in fiid bixin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuf ↴
oodaale [m.l]
Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
boqondhaw [m.l]
1. Geed digir meseggo imw oo soo fufay. 2. ld boqondhebid.
diillin [m.dh] (-imo, m.l)
1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. ld diilin.
faraggorgor [m.l]
1. Ciyaar carruureed. 2. Fiidda geeduhu ka fufaan. 3. Faraggirgir.
fiix [m.l]
1. Firfir subag ah oo marka caanaha la lulo dul sabbeeya. 2. Fuf. 3. Dufan yar oo ka dhashiima laf qorrax taal. 4. ld fiixid.
fiix [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
1. Caano firfir yeelasho. 2. Wax sida dhidid, biyo iwm meel ka soo kor bixid. 3. Geed fufid.
fiixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Caano firfir ka keenid. 2. Wax ka dhididin. 3. Geed fuf yeelasho.
fir [m.l]
Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.
f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka
soomaaliga, waana shibbane.