ful
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ulay, -ushay)

1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ful

kaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.

haad-kacarar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor. haad-karoor, fulay

laablaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab². laallaab

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

idman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).

laaluush [m.l]
Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.

maammul [m.l]
1. Habka hawl loo fuliyo. 2. ld maammulid.

maammul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Hawl hab wanaagsan u fulin. ld maamul².

maammulxumo [m.dh]
Hab aan wanaagsanayn oo hawl loo fuliyo. ld maamulaxumo.

naajax [m.l]
1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg