fuley
(m.l) (-yo, m.dh)

Qof cabsi badan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuley

bekel [m.l]
B. ah: qof fuley ah oo cabsi badan.

biiq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Dhasha sagaarada. 2. Qof aad fuley u ah.

fulannimo [m.dh]
ld fuleynnimo.

fule [m.l]
ld fuley.

fuleynnimo [m.dh]
Fuley ahaansho.

giiryaale [m.l]
Qof aad fuley u a.

kalnugeyl [m.l]
1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.

ful [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg