fulin
(m.f.dh)

eeg fuli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fulin

kaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

idman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).

maammul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Hawl hab wanaagsan u fulin. ld maamul².

oofi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ballan, arrin iwm fulin.

oog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iwm abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin.

wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.

bi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hoog iyo dhibaato gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm. si gurracan u fulin. 3. “Ka bi'i”: wax meel ku yaal ka tirid; baabi'i..

bilow [m.l]
1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. ld billow¹.

bilow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-laabay, -lowday; -laabi)
1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. ld billow².

ful [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg