fuq
(m.l) (-qaq, m.l)

1. Labada daan oo afka midkood. 2. Wax, wax kale oo adag ka soo go'ay. 3. ld fuqid.

fuq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuq

naabnaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab

naadir [m.l]
(juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.

ufuq [m.l] (-qyo, m.dh)
(juqr.) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.

xago [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.

cirrid [m.l] (-dyo, m.dh)
Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.

daan [m.l] (-aaman, m.l)
(c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.

diiro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.

dillaac [m.l]
Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay.

fanqooq [m.l]
1. Wax meel uu ku dhegganaa ka soo fuqay laakiin weli meel yar ka haysta. 2. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn; kadalloob. 3. Wax meeshi ay saarnaayeen in yar kor uga kacay. 4. ld fanqooqid.

finiin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. ld faniin¹.

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg