furan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax la furay noqosho.

furan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Albaab, dariishad iwm wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iwm hawshooda wax la billaabay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furan

gaalis [m.l] (-syo, m.dh)
(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.

gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.

xagal furan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).

adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

afaaf [m.l]
(afaaf, m.dh) Meesha furan ee aqal, xero iwm laga galo ama laga baxo; kadin; irrid.

affuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Aan soommanayn. ld afuran, afursan.

afuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa,-rnayd)
ld affuran.

albaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Irrid, albaab u yeelid. 2. Albaab furan xirid.

alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.

ardaa [m.l] (-aayo, m.dh)
Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.

fur [m.l] (-rar, m.l)
Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.

fur [m.dh] (-ro, m.l)
Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.

fur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg