furdo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Meel xeeb ku taal oo loogu talagalay in ay doonyaha, maraakiibta iwm ku xirtaan. 2. Meel loogu talagalay in alaabada ganacsiga oo dal imaanaysa ama ka baxaysa lagu canshuuro. ld furdad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furdo

furdad [m.dh]
ld furdo.

furfurdo [m.dh]
Tuuryo xoog leh.

fur [m.l] (-rar, m.l)
Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.

fur [m.dh] (-ro, m.l)
Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.

fur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg