furfur
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.

furfur
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax xubnihii uu ka koobnaa kala bixbixin. 2. Arrin xalkeeda fududayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furfur

saafid-tireed [m.dh]
1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.

beeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Suus, madaal, shood iwm wax ku miisid. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosi. beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).

dumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid.

furfurad [m.l]
ld furfurasho.

furfuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax bashaashnimo ka muqaato ahaansho (qof). 2. Wax xubnihii uu isugu jirey la kala bixiyey ahaansho. 3. Tolmo wax duntii isu haysey furatay ahaansho.

furfurasho [m.f.dh]
eeg furfuro. ld furfurad.

furfurdayn [m.f.dh]
eeg furfurdee.

furfurdee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Qori, ul, dhagax iwm xoog u tuurid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg