furfuro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)

1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furfuro ↴

furfurasho [m.f.dh]
eeg furfuro. ld furfurad.

furfurid [m.f.dh]
eeg furfur². furfurista-garaafeed ee isle'eg m.dh (xis.) Hab lagu furfuro isle'egyo wadajira iyada oo la sawirayo garaafka isle'eg kasta. Furfurista labada isle'eg waxa ku siiya kulannada baraha is goyska, madaama barahani ay raali geliyaan qiimeyaal isku mid ah ee x iyo y.

khaymad [m.dh] (-do, m.l)
1. Aqal fudud oo kolna la dhiso, kolna la furfuro oo lala guuro. 2. Teendho; taanbuug.

teendho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Aqal shiraac ah oo loogu talaggalay in degdeg loo dhiso, loona furfuro ama loo raro oo tiirar iyo xargo leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg