furid
(m.f.dh)

eeg fur³. ld furitaan, furniin, furriin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furid

qaawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dhar ka furid. 2. Dhismo, dedka kore ka qaadid.

wacadfurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wacadfur². ld wacadfuryo.

affurid [m.f.dh]
eeg affur². ld affur¹ (2), afur¹, afurid.

afurid [m.f.dh]
ld affurid.

ballanfurid [m.f.dh]
eeg ballanfur². ld ballanfur¹, ballabfuryo.

ballaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday; -liqi)
1. Albaab, dariishad iwm wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tus. “Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.

banki [m.l] (-iyo/bunuug, m.dh)
Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.

bashiici [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Meel xirnayd in yar furid (albaab iwm). ld bishiici.

dabafurid [m.f.dh]
ld dabafur¹ (3).

da'furid [m.f.dh]
eeg da'fur². ld da'fur¹ (2).

fur [m.l] (-rar, m.l)
Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.

fur [m.dh] (-ro, m.l)
Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.

fur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg