furmo
(m.dh)

Meel geeddi ku nasto.

furmo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-maday, -matay)

Wax furan noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furmo

furmasho [m.f.dh]
eeg furmo.

fur [m.l] (-rar, m.l)
Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.

fur [m.dh] (-ro, m.l)
Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.

fur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg