furo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)

1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furo

aqoon-isweydaarsi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Dood dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado..

astaaqfurow [m.l]
ld istaaqfurow.

bashiic [m.l]
Meel xirnayd oo in yar la furo si hawo ama iftiin uga soo galo. ld bishiic.

ciddo [m.dh]
Muddo go'an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. ld cuddo.

daloolin cad-hunguri [m.dh]
(daaw.) Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira.

dhiftin [m.dh]
Guntinta xarigga in yar oo ka soo taagan oo la jiido marka la rabo in deg-deg loo furo. ld dhifsasho.

fasakh [m.l]
Furidda haweeney laga furo saygeeda isaga oo aan ogeyn ama ka raali ahayn. ld fasakhid.

fered [m.l]
1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tus. “Fered Alla ha kuu furo”. 2. Inkaar, habaar.

furasho [m.f.dh]
eeg furo.

fure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iwm. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg