fuud
(m.l)

(cabbir cagood) Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma yaardi saddex meelood loo qaybiyey meeshiis.

fuud
(m.l)

Dhacaanka ka baxa hilib xoolaad ama mallay iwm. oo biyo lagu kariyey; maraq.

fuud
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Hoore si tartiib ah uga dhergid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuud

calas [m.dh]
1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).

fuudafuude [m.dh] (-dayaal, m.l/dh)
Digir fuud laga dhigay.

fuud-dhuug [m.l]
Bushinta hoose meesheeda godan oo timaha yari ka baxaan.

fuudi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U f.: cunto jilicsan si tartiib ah cid u siin.

fuudid [m.f.dh]
eeg fuud².

fuudin [m.f.dh]
eeg fuudi.

fuudsad [m.l]
ld fuudsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg