fuul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-uulay, -uushay)

1. Wax kor u tafid. 2. Wax dushiisa ku boodid. 3. Haweeney kufsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuul

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

caad [m.l] (daaw.)
Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.

daabbad [m.dh] (-do, m.l)
1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.

rab [m.l]
Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin.

taf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Meel aan sallaan loo fuulo lahayn korid. 2. Cid turunturreyn.

bakhtifuul [m.l]
ld baqtifuul.

baqtifuul [m.l]
Duqsi waaweyn, leh midab qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga helo meelaha waxa qurmay yaaliin. ld bakhtifuul.

baritaar [m.l]
Xoogga lagu taakuleeyo, qof meel sare oo aan sallaan lahayn fuulaya.

baritaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof si uu u fuulo meel sare aan sallaan lahayn xoog taakuleeya siin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg