fuulid
(m.f.dh)

eeg fuul. ld fuulis², fuullimaad, fuulmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fuulid

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

beersaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Faras leedda ah fuulid.

deeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid.

fanayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.

fangal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay; -geli)
Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid. ld fansaar³.

fano [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -natay)
Meel fuuliddeedu dhib tahay, xeelad ku korid.

faras [m.l] (-rdo/-rso, m.l)
1. (c.nafl.) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.

fardafuulid [m.f.dh]
eeg fardafuul². ld fardafuulis.

fuulis [m.dh]
ld fuulid.

fuul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
1. Wax kor u tafid. 2. Wax dushiisa ku boodid. 3. Haweeney kufsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg